
Cabdullaahi Ciise Ibraahim oo ah Askari katirsan Ciidanka Kenya waxa uu gacanta ‘AS’ Ku jiraa tan iyo 15kii Janaayo sanadkii 2016 kaddib markii xubno katirsan Shabaab ay weerar toos ah ku qaadeen Saldhig ciidan oo ku yaalla Ceel Cadde Gobolka Gedo.
Waxa uu kamid ah ciidanka Kenya ee qaybta ka ahaa howlgalkii magaca horay looga baddelay ee AMISOM la oran jiray, muddo ku dhow 9 sano kaddib ayuu kasoo muuqday muuqaal ‘AS’ baahisay isaga oo codsaday in laga shaqeeyo sidii uu dib ula midoobi lahaa ehelkiisa.
Intaas kaddib, Warbaahinta Kenya ka howlgasha ayaa tagtay hoygiisa iyada oo soo wareysatay xubno katirsan qoyska Askarigaan lagu magacaabo Cabdullaahi Ciise Ibraahim, waxa ay sidoo kale codsadeen in ay doonayaan dib ula midoobistiisa.
“Telefoon Soomaaliya ayaa isoo wacay, waxaa ila hadlay Aabahey oo markii hore aan aqoonsan waayay, waxa uu igu dhahay waa Aabahaa Cabdullaahi, waxa aan ku dhahay maxaa caddeynayo in aad tahay Aabahey? Markii dambe muuqaalkiisa ayaa la baahiyay isaga oo isbaddelay weliba dalbanaya in uu dib ula midoobo, sidaas oo kale ayaa dooneynaa in aan la midowno aabahayn” Ayay tiri Gabadh uu dhalay Cabdullaahi Ciise Ibraahim oo askariga u xiran ‘AS’ 9ka sano.
Weerarkii ciidanka Kenya ku qabsaday Magaalada Ceel Cadde ee Gobolka Gedo Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxa uu ahaa dagaalkii ugu khasaaraha badnaa ee Ciidanka Dalkaas ka jooga Soomaaliya ay la kulmeen kaddib markii la gubay Gaadiidkooda, xeradii laga qabsaday, Maxaabiis laga watay iyo hub halkaas looga qaatay.
Kenya ayaa marar badan waxa ay Soomaaliya ka sameysay howlgallo ka dhan ah Dadka ay ku tuhmeyso in ahaayeen Maskaxdii abaabushay weerarkaas, qaarkood duqeymo diyaaradeed ayay ku beegsatay halka qaar kale weli aad raad-joogto sida ay hadalka u dhigtay.