Sida ay ku waramayaan wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ee Dowlad Goboleedka Jubaland aya sheegaya in uu jiro dhaqdhaqaaq xoogan oo ciidan kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulkaasi iyo kuwa Dowlada Soomaaliya.
Wararka aya sheegaya in uu Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu bilaabay dhaqdhaqaqyo milatari oo ka dhan ah Ciidamada jooga deegaanka Raaaskaambooni ee Gobolkaasi.
ilo dadka deegaanka ah aya inoo sheegay in la arkay Ciidamo taabacsan Jubaland oo ku soo dhawaaday Deegaanada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xooga Dalka,kuwaasi oo la sheegay in ay ku hubeeysan yihiin Gadiid dagaal oo xoogan.
Wasiirka Amniga Jubaland aya sheegay in mar uu la hadlayay Ciidanka Jubaland ee Hareeraha Raaskambooni jooga ay u diyaar garoobaan Difaacida Jubaland Sida uu hadalka u dhigay,taaso laga dhayal san karo inuu jiro dhaqdhaqaaq milatari oo ay damacsan yahay maamulku.
Axmed Madoobe aya Kismaayo ka waday maalmihii lasoo dhaafay kulamo uu la laha Saraakiisha Ciidanka ee Maamulka,kuwaasi oo si weyn wada hadalo ugu laha xiisada Soo Cusboonaatay dhawaan.
Dowalada Federaalka Soomaaliya aya sheegtay in sababta ugu weyn ee ay Ciidanka u geeysay Jubooyinka ay tahay la dirirka Alshabaab iyo Codsi ka yimid Gudoomiyaha Badhaadhe Fanax,kaasi oo daarnaa ka garab siinta dib u xureenta deganada Badhaadhe ku dhaw.
Xaalka aya la sheegaya in uu hada yahay mid culus oo ay ka jirto kala shaki iyo in xili kasta la filan karo Dagaal,maadaama uu Axmed Madoobe Ciidan dheeraad ah u keenay Degaanada Raaskaambooni.