
Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Safarka madaxdaan aya daaran kadib markii ay casuumaad ka heleen Madaxweynaha Koonfur galbeed Somaaliya.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-gaduud kusoo dhaweeyey Raisul Wasaraaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka koobnaa Wasiiro heer Federaal ah iyo Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wafdiga Ra’iisull Wasaaraha ayaa u yimid ka qeybgalka sanad-guurada 6-aad ee Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo ku beegan 19-ka Diseembar.