Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay guullaha laga gaaray wadahadallii ka dhacay Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana uu usoo jeediyay in la dhammeystiro waxyaabaha dhiman.
Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumadda Dan Qaran ay garab taagan tahay dedaallada socda ee lagu dhammeystirayo dib u heshiisiinta, Qaadista Jidgooyooyinka & la shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Odoyaasha dhaqanka, Mas’uuliyiinta kala derajada duwan ee heer Federaal & heer Dowlad-Goboleed ayuu ku booriyay in ay sii wadaan wadahadallada lagu gaarayo nabadda, horumarka iyo ka gudubka caqabadaha jira.
“Waxa aan bogaadinayaa Dedaalladii miraha dhalay ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Baladweyne Caasimadda Gobolka Hiiraan, waxa aan u mahadcelinaya Odoyaashii, Saraakiishii, Gabdhihii & qaybihii kala duwanaa Bulshada ee ka qaybgalay in la dajiyo xaaladda oo Amniga dib loosoo celiyo oo lasoo afjaro hubkii sharci darrada ahaa oo sharciga uu shaqeeyo” RW Xamsa Cabdi Barre.
Waa uu sii hadlay waxaana uu yiri “Reer Hiiraan waa in ay dhammeystiraan waxyaabaha yaryar ee dhiman, waxaa la adkeeyay midnimada iyada oo lasoo afjaray khilaafaadkii, waan hubaa in reer Hiiraan ay awood u leeyihiin inay dhammeeyaan wax weliba oo khilaafaad ah”.
Hadalka Raisul wasareha Xamse aya imanaya iyado dadaaalo nabadeed ay magaalada Baledweyne ka bilaabeen Xildhibano,wasiiro,iyo taliyeyaal ciidan kuwaasi oo xaliyay Amaanka,Wadahadalo sameyey,sido kalena isbaarooyin qaaday.