
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in uu Dalka ku jiro xaalad kala guur dhinaca Amniga maadaama la baddelayo howlgalka ATMIS loona guurayo kan AUSSOM ee maalmo kaddib billaabanaya.
Xamsa Cabdi ayaa sheegay in marka la is dhinac dhigo amniga maanta jira iyo kan labo sano kahor jiray in Dadku dareemi karaan kala duwanaanta, arrintaas ayuu ku tilmaamay in lagu gaaray wadashaqaynta Ciidamada iyo Bulshada.
Amniga ayuu ku dheeraaday, waxa uu bogaadiyay Ciidamada heerarkooda kala duwan oo garab ka helay Dadka Shacabka, waxa uu soo jeediyay in gacan adag lagu qabto si loo xoojiyo nabadgalyada inta la heyso sida uu hadalka u dhigay.
“Waxa aan ku jirnaa waqti xaalad kala guur ah oo ATMIS ay baxeyso oo la galayo howlgal cusub, waxaa la doonayaa in uusan cadawga ka faa’iideysan oo la xoojiyo wadashaqaynta lagu adkeynayo Nabadgalyada” Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Xamsa ayaa soo hadal qaaday Doorashada Xukuumaddiisu Shaacisay in ay ka qabaneyso Dalka ee ah in Dadka u codeeyaan xubnaha metalaya si meesha looga saaro Doorashooyinka Dadban oo wakiillo kooban ay codeynayaan.