
Diyaarad ka safartay Dalka Thailand una sii jeeday dhinaca Kuuriyada Koofureed ayaa shil khasaara badan dhaliyay ku gashay Garoonka Diyaaradaha ee Muan, waxaa ku dhintay ugu yaraan 85 ruux iyada oo ay suuragal tahay in khasaaruhu intaas ka kordhi karo.
Jeju Air ayaa dhabbaha diyaaradaha caga dhintaan ka baxday kaddib markii ay ku timid cillad degdeg ah oo aan ilaa haatan la shaacin, waxaa xigay dab ka kacay oo si degdeg ah isku qabsaday kaddbina ay burburtay.
Mas’uuliyiin katirsan Kuuriyada Koofureed ayaa sheegay in la baarayo cilladdaas sababtay shilkaan, xubnaha loo wakiishay in ay baaristaas sameeyaan ayaa laga sugayaa jawaab degdeg ah si looga hortago khatar kale.
Dadka dhintay ayaa kala ah 46 ruux oo Haween ah & 39 kale oo Rag ah kuwaas oo la socday diyaaradda Jeju Air ee shilka ku gashay Kuuriyada Koofureed, waxaa socda baaris kale oo dhinaca hidde-sidaha ah.