
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFSe Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee Isbedalka Cimillada oo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimillada ee XFS ay soo qaban qaabisay.
Shirkaan oo Muqdisho ka socon doona muddo labo maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha isbedalka cimillada, waxaana ka qeyb gelaya wasiirro ka tirsan XFS, masuuliyiin ka socota wasaaradaha deegaanka ee dowlad goboleedyada, xubno ka socda beesha caalamka, masuuliyiin iyo marti sharaf kale.