
Siyaasi Guuleed Saalax Barre oo qoraal ka soo saaray xuquuq la’aanta xukuumadda madaxweyne Deni ku samaysay shaqaalaha iyo ciidamada difaaca Puntland ayaa si adag u sheegay in aan dib danbe loogu dulqaadan karin dhaqankaasi dulmiga ah.
“Mushahaarku waa xuquuq dastuuri ah iyo xaq shaqsiyeed, mana ahan shaxaad, kaalmo ama arrin lagu jees jeeso. Rubuc qarni kadib, waa ceeb iyo nasiibdarro weyn in weli shaqaalaha dawladda iyo ciidankeena xuquuqdoodii la dayaco lagana dhigo wax aan qiimo lahayn.”
“Waxaa la joogaa xilli aan dib dambe loogu dulqaadan karin duudsiinta xuquuqda dadka u adeegaya dalkooda. Hoggaan xumada xukuumadda Deni waxay dhaawacday nidaamkeenii dawladnimo guud ahaan, waxaana taas usii dheer aragti gaabni, damqasho iyo dareen la’aan ku wajahan dayaca iyo duruufaha nololeed ee shaqaalaha, ciidamada iyo guud ahaan shacabka Puntland” ayuu yiri Guuleed Saalax.
Wuxuu sidoo kale ku baaqay in xukuumadda Siciid Deni sida ugu dhakhsaha badan u bixiso mushaarka shaqaalaha iyo ciidamada difaaca Puntland, islamarkaana la sameeyo hannaan sharci oo ka hortagaya in mar danbe xuquuqda shaqaalaha iyo Ciidamada la lunsado, sida ku cad qoraalkan uu soo saaray.
“Miyaanay dulmi iyo ceeb weyn ahayn in aabe iyo hooyo shaqaale ah, ama wiil iyo gabar dhallinyaro ciidan ah oo naftiida u hibeeyay dalkooda, halkii la dhowri lahaa xuquuqdooda yar, in loogu beddelo aflagaaddo iyo dayac nololeed oo joogto ah?”
“Shaqaalaha iyo ciidamadu waa lafdhabarta dawladnimada iyo difaaca dalka. Waxaan ku baaqaynaa in xuquuqdooda si degdeg ah loo bixiyo, lana dejiyo hannaan sharci oo ka hortaga dib u dhac iyo ku tumasho dambe inaysan dhicin, sidoo kalana lala xisaabtamo masuuliyiyiinta masuulka ka ah dayacan , oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Deni.”
Guuleed Saalax ayaa sidoo kale ka digay sii socoshada duudsiinta xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada oo uu ku tilmaamay mid sii adkaynaysa xaaladda iyo duruufaha nololeed ee qoysaskooda, taas oo horseedi karta niyad jab, habacsanaan maamul iyo amni xumo, sida haddaba dhacda in ciidamo duruufaysan ay xirtaan waddada dheer ee laamiga ah.