
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in la xaliyey khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo ka hadlayey guusha Soomaaliya ee kursiga golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in xalinta khilaafkaas uu ku soo aadey xilli munaasab ah oo Soomaaliya ay xubin ka noqotay golaha guud ee lagu gaaro go’aanada caalamiga ah.
“Khilaafkaas waa la xaliyey, waxaana lagu xaliyey dulqaadka Soomaaliya, lama xanaaqsanaa karo abid, bud la iskama qada karo, diblomaasiyadana inyow kuma jirto, hadii Itoobiya aanaan la fariisa laheyn guushaan Soomaaliya uma soo hoyateen,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Hadalka Wasiirka ayaa waxweyn ka bedelaya aragtidii dadka Soomaaliyeed ay ka heysteen Itoobiya oo muddooyinkaan aheyd cadowga koowaad ee umadda Soomaaliyeed, waxaana muuqata in wixii ka dambeeyey wadahadaladii Ankara ay is fahmeen labada dal.
Waaiiru dowlaha arrimaha dibadda Cali Balcad ayaa isna sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay dib u eegto go’aankii ay ciidamada loo ogolaaday howlgalka cuaub ay uga reebtay ciidamada Itoobiya, maadaama wixii ka dambeeyey kulamadii Ankara ay heshiiyeen labada dal.