
Dowladda Faransiiska ayaa maanta si rasmi ah Soomaaliya uga cafisay dayn ay waqti dheer ku lahayd, munaasabad kooban oo ka dhacday Safaaradda France ee Nairobi waxaa Dowladda Federaalka ku metalay Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige.
Safiirka Soomaaliya ee Kenya Jibriil Ibraahim Cabdulle iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Xukuumadaha Muqdisho & Paris ayaa kulankaan goobjoog ka ahaa, waxaana labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiiska lagu soo gabagabeeyay cafinta dayntaas.
Lacag dhan $145.6 Milyan oo Doollar ayay Dowladda Faransiiska ku lahayd dhiggeeda Soomaaliya oo ugu dambeyn maanta wixii ka dambeeya laga saaray liiska Daynta ku taagan Soomaaliya oo inteeda badan laga cafiyay.
Waddamada ku bahoobay Ururka Paris Club ayaa horay kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiin ka socota Soomaaliya kuwaas oo ay kawada hadleen ka gudubka shuruudaha la hordhigay Dowladda Federaalka si looga dhaafo ama looga cafiyo daynta waqtiga dheer ku taagan.
Danjiraha Faransiiska ee Kenya & Soomaaliya Arnaud Suquet iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa gunaanadkii kala saxiixday heshiiskaan muhiimka u ah in la laabo buugga daynta.
Dhammaadkii sanadkii hore 2023, Soomaaliya waxaa la shaaciyay in laga cafiyay dayntii waqtiga dheer ku taagnayd kaddib markii ay soo buuxisay shuruudihii la hordhigay, tan iyo xiligaas waxaa socday kulamo lagu dhammeystirayo geediga loo galay dayn cafintaas.`