
Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyada oo fadhiisan doonta kursiga aan joogtada aheynd muddada u dhaxeysa 2025 ilaa 2026.
Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey, Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa sheegay in kursigaan muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, isla markaasna ay uga shaqeyn doonaan danaha caalamka.
“Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.” ayuu yiri Danjire Baalle.
Muddo 54 sano kadib, ayay Soomaaliya ka mid noqoneysa golaha, waxaana dalka u noqoneysa fursad iyo is kaalmeysi.
Golaha Ammaanka ee Soomaaliya kamid noqotay ayaa waxaa qeyb ka ah shanta xubnood ee joogtada ah ee Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, UK iyo Mareykanka – iyo 10 xubnood oo aan joogto ahayn oo loo doortay xilli wareeg ah.
Si lamid ah Soomaaliya waxaa sannadkan Golaha Ammaanka shirarkiisa ku biiray Dowladaha Denmark, Giriiga, Pakistan iyo Panama.