Muqdisho, 6 Janaayo 2025: Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamarayaa daahfuray tababar la xariira xalinta khilaafaadka iyo nabadeynta, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Guddiyada Nabadgelyada Degmooyinka, qaar kamid ah odayaasha dhaqanka, dhallinyarada, haweenka iyo culumaa-udiinka.
Tababarkaan ayaa lagu qaadanayaa cashiro la xariira doorka ay bulshada rayidka ku leeyihiin xalinta khilaafaadka iyo nabadeynta taasi oo qeyb ka ah qorshaha xasilinta iyo xoojinta nabadgelyada Caasimadda si loogu diyaar garoowo qabsoomida doorasho qof iyo cod.
Sidoo kale Tababarkaan ayaa qeyb ka ah sidii ay Guddiyada Nabadgelyada Degmooyinka Gobolka Banaadir ugu qeyb qaadan lahaayeen doorkooda ku aadan isku xirka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bulshada si loo gaaro Magaalo Nabdoon, Nadiif ah, dadkeedana ay ka qeyb qaataan horumarinta Caasimadda.