
Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa Dhallinyarada Gobolka Hiiraan ugu baaqay in ay dib u abaabulaan Dagaallada ka dhanka ah ‘AS’.
Sanbaloolshe oo Dhallinyarada la wadaagay waxyaabihii ay kuwada ballameen Odoyaasha dhaqanka iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan waxa uu ku wargeliyay in la ilaaliyo nabadgalyada lana xoojiyo feejignaanta.
Dhallinyarada ayuu sidoo kale usoo jeediyay Agaasimaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe in ay xoogga saaraan la shaqeynta ciidanka Federaalka ee loosii dhiibay sugidda Amniga Magaalada Baladweyne iyo deegaannada kale ee Gobolka Hiiraan.
“Dhammaanteen waa in aan ka shaqeynaa amniga, Jidadka dib loo furo, shaqo weyn oo ah la dagaalanka ‘AS’ Maalmahaan waad arkeysaan oo xan ayaa magaalada soo gashay, qofkii dhagax heli kara ama qajaf heli kara in aan dagaalkaas laga baaqan waaye” Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Taliyaha NISA.
Amniga Gobolka Hiiraan waxaa la wareegay Ciidamo Isku dhafan oo isugu jira Nabadsugid iyo Booliis, shaqadii ugu horreysay waxa ay ka billaabeen qaadista Jidgooyooyinka cabashada ay ka keeneen Ganacsatada & Gaadiidleyda Gobolkaas.