
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa la aasaasay 20kii Deseembar sanadkii 1943dii, waxaa maanta laga joogaa 81 sano, mas’uuliyiin kala duwan ayaa hambalyo u diray ciidamadaan iyo saraakiishooda oo xaalado kala duwan soo maray.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa ammaanay ciidamadaan iyo hoggaankooda, waxa uu sheegay in ay ka shaqeeyaan amniga, dabagalka iyo kahortagga dambiyada kala duwan.
”Waxaan u hambalyeynayaa Sareeyayaasha, Saraakiisha, Kormeerayaasha, Saraakiil-xigeenada, Alifleyda, Dableyda, xaasaska iyo carruurtooda, sanadguurada 81-aad ee aas-aaska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (1943 – 2024).’ Ayuu yiri Taliye Asad Cismaan.
Mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada ayaa si wadajir ah hambalyo ugu diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxa ay ku amaaneen in door muuqda uu ciidankaan ka qaatay adkeynta amniga.