Ukraine ayaa weerar rogaal celis ah ku qaadday gobolka Kursk ee Ruushka, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka.
Moscow waxay sheegtay inay la kulantay weerar dhanka hawada ah oo loo adeegsaday madaafiic, halka saraakiisha Ukraine ay sidoo kale sheegeen in howlgal uu socdo.
Ciidamada Ukraine ayaa gudaha u galay gobolka Kursk bishii Agoosto, iyaga oo la wareegay qaybo kamid ah gobolkaas, balse ciidamada Ruushka ayaa dib uga riixay meelaha qaar iyaga oo aan ku guuleysan in ay gabi ahaanba ka saaraan.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in dammaanad qaadka amniga ee horseedaya soo afjarida dagaalka uu noqon doono mid wax ku ool ah haddii Madaxweyne Trump uu bixiyo taageero buuxda.
Mar uu ka hadlayay waraysi uu la yeeshay Lex Fridman, Madaxweyne Zelensky waxa uu sheegay in Trump uu leeyahay awood uu ugu yaraan ku joojin karo waxa uu ugu yeeray duullaanka joogtada ah ee Ruushka.
Trump ayaa ballan qaaday intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada inuu si degdeg ah u soo afjari doono dagaalka, isagoo aan bixin faahfaahin.
Zelensky wuxuu yiri “Aniga iyo Trump waxaan gaari doonnaa heshiis waxaana bixineynaa dammaanad amni oo xooggan, oo ay qayb ka yihiin Yurub, ka dibna waxaan la hadli karnaa Ruushka”.
Sida laga soo xigtay wasaaradda difaaca ee Ruushka, cutubyo ka tirsan ciidanka Ukraine oo ka kooban laba taangi, gaadiidka gaashaaman oo 12 gaaraya kuwaas oo noocooda lagu sheegay (AFVs) ayaa weeraray meel u dhow tuulada Berdin abbaare 09:00 (06:00 GMT) Axaddii.
Ciidamada Ruushka ayaa dib u soo weeraray, sida ay sheegeen, waxayna burburiyeen laba taangi, gaari ay leeyihiin militariga iyo toddobo baabuur oo gaashaaman, waxa ayna intaa ku dareen in dagaalku uu sii socday.
Wakaaladda wararka Ruushka ee Ria, ayaa daabacday muuqaal hawada sare ah oo muujinayay sida loo weeraray gaadiidkii ciidamada Ukraine, kuwaas oo dhex socday goob baraf badan uu daboolay oo ku taalla meel baadiye ah.
BBC-da ma aysan awoodin inay xaqiijiso muuqaalka ama sheegashada Ruushka.
Madaxa xafiiska madaxtooyada ee Ukraine Andriy Yermak ayaa mar sii horeysay sheegay in war wanaagsan uu ka soo baxay gobolka Kursk isla markaana uu Ruushku helayo waxa uu u qalmo.
Andriy Kovalenko oo isna ah sarkaal sare oo ka tirsan ka hortagga wararka been abuurka ah ee Ukraine ayaa qoraal uu soo dhigay barta Telegram ku sheegay in: “Ruushka ku sugan Kursk ay wajaheen walaac aad u weyn sababo la xiriira in dhowr jiho laga weeraray, taasina ay ku noqotay lama filaan.”
Yury Podolyaka, oo kamid ah bloggerada Ruushka, ayaa soo jeediyay in hawlgalku uu ahaa mid leexsan, halka Alexander Kots, uu xusay in weerarro kale oo waawayn lagu soo qaadi karo meel kale.
Ciidamada Kyiv ayaa lagu soo waramayaa in ay soo wajahday shaqaale yari, waxaana bilihii lasoo dhaafay ay luminayeen bariga Ukraine, iyadoo ciidamada Ruushka ay ku sii siqayaan.
Waxa ay ku soo aadeysaa xilli ciidamada cirka ee Ukraine ay sheegeen in Ruushku uu habeen hore weerar kale ku qaaday Ukraine.
Waxa ay sheegeen inay soo rideen 61 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo dul heehaabayay gobollada Kyiv, Poltava, Sumy, Kharkiv, Chernihiv, Cherkasy, Dnipropetrovsk, Zhytomyr, iyo Khmelnytskyy.
Ma jirin wax duqeyn ah oo toos ah, balse dhowr guri ayaa ku waxyeeloobay gobolka Kharkiv diyaarad aan duuliye lahayn, sida ay sheegeen ciidamada cirka.
Bishii Nofembar, Ukraine waxay sheegtay in ciidamadeeda ay dagaal kula galeen ciidamada Kuuriyada Waqooyi ee ku sugan gobolka Kursk.
Muuqashada askarta Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay inay jawaab u tahay weerar lama filaan ah oo ay ciidamada Ukraine ka soo qaadeen xuduudda bishii Agoosto, iyagoo ku sii siqaya ilaa 18 mayl (30km) dhulka Ruushka.
Moscow ayaa ka daadgureysay ku dhawaad 200,000 oo qof oo ku sugnaa degaannada ku teedsan xuduudka, waxaana madaxweyne Vladimir Putin uu cambaareeyay weerarka Ukraine oo uu ku tilmaamay “daandaansi weyn”.
Laba toddobaad ka dib, taliyaha ugu sarreeya ee Ukraine wuxuu sheegay in uu maamulo in ka badan 1,200 km² oo dhulka Ruushka ah iyo 93 tuulo.
Qaar ka mid ah dhulkaas waxaa dib u qabsaday Ruushka.
bbc