Dowlada Soomaaliya aya ka hadashay xiisada xoogan ee u dhaxeeysa Xukuumada iyo Jubaland,taaaso maalmahaan si weyn laga dareemayay deeganada maamulka Jubbaland ee Soomaaliya.
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Jubbaland ay siyaasadeyso ciidamada xoogga dalka, isagoo sheegay in sawir khaldan lagu lifaaqayo ciidanka marka lagu tilmaamo kuwo burburinaya jiritaanka maamulkaasi.
Wasiirka ayaa si cad u sheegay in Jubbaland ay qaadi doonto masuuliyadda isku dhac dhex-mara ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan Jubbada Hoose, xilli Axmed Madoobe uu diyaarinayo in dagaal looga hortago ciidanka dowladda federaalka geysay halkaasi.
Sidoo kale wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay ku xoojisay dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ciidamo gaaraya illaa kun askari, kuwaas oo loo diray aagga Raaskambooni.
Xiisadda dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, iyadoo laga cabsi qabo inay isku badasho dagaal toos ah, maadaama ciidamo taabacsan labada dhinac ay isku horfadhiyaan deegaano ka tirsan maamulka Jubbaland.