
Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug waxaa maanta ka billaabanaya wadahadal u dhaxeeya Odoyaasha dhaqanka beelo maleeshiyaadkooda dhowaan ku dagaalamay Galbeedka Gobolkaas, waxaa kor joogta ka ah Wasiirro & Xildhibaanno ka kala socda Puntland iyo Galmudug.
Ergada ka socota Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa horay usii gaartay Magaalada Gaalkacyo halka kuwa Puntland la sugayo in ay saacadaha hore ee Sabtiga maanta ah tagaan Magaaladaas oo isla galabta wadahadalka si toos ah uga furmi doonna sida ay sheegeen ilo kala duwan.
Waxaa la iska xog-wareysan doonnaa sida loo heli karo xal degdeg ah, dabagalka cidda jebisay qodobadii horay loo kala dhexdhigay labadaan Maleeshiyo beeleed si ay uga gudbaan colaad sidaan oo kale horay u dhexmartay balse ay uga heshiiyeen kaddib kulamo aan kala go’ lahayn oo ay yeesheen duubabkooda.
Qorshaha xiga waa in la qaado Dadka dhaawacyada halista ah soo gaaray ee lagu hayo Magaalada Gaalkacyo si loo geeyo meelaha lagu baxnaanin karo, waxaana lasoo tira-koobayaa dadka ku dhintay dagaalladii tooska ahaa iyo dilalkii aanooyinka ah ee lagu ugaarsadan ka baxsadan dhinacyada dagaalamay.