
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho, isaga oo kulamo la yeelan doona Madaxda sare ee dowladda Federaalka oo uu horkacayo Madaxweyne Xasan Shiikh.
Waxaa la xiray waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho, si loo xaqiijiyo Amniga wafdigaan ka socda Itoobiya.
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay kulamo ku yeeshaan Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Aby Axmed, iyaga oo ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.
Inta uu Abiy Ahmed ku sugan yahay Muqdisho, waxaa la filayaa in la kala saxiixdo heshiisyo, iyadoo sidoo kale la qorsheeyay in ay sii socdaan wadahadallada guddiga farsamo ee labada dal, kuwaas oo diiradda saaraya iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarka.
Safarkan ayaa imaanaya kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu labo jeer booqasho ku tagay Addis Ababa tan iyo bishii Diseembar 2024, markaas oo ay labada hoggaamiye kala saxiixdeen heshiisyo rasmi ah.
Waxa la filayaa in booqashadan ay sii xoojiso xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo la eegayo sida labada mas’uul uga shaqeyn doonaan xasilloonida iyo horumarka gobolka.