
Waxaa lagu wadaa in dib loo furo qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ee mudada dheer u xirnaa sababao amni dartood, kuwaas oo muhiim u ahaa isu socodka dadka iyo Gaadiidka.
Wararka ay heleyso Daash Somali tv ayaa sheegaya in la furi doono dhowr wado oo ku yaalla degmooyinka bartamaha iyo waqooyiga Caasimadda Muqdisho, kuwaas oo hore loogu xiray dhagxaan waa weyn.
Talaabadaan lagu wado in maanta dib loogu furo qaar ka mid ah wadooyinka xirna ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxaan Alcadaala.
“Muqdisho waxeey Maanta u tahay Maalin ay tirayso qayb ka mid ah calaamadihii cabsida ka dib markii Dawladdu sugtay Amnigeeda, alle ayaa ku mahadsan” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Alcadaala.