
Waxaa xalay war murtiyeed laga soo saaray shirkii siyaasiyiinta mucaaradka maalmihii lasoo dhaafay uga socday magaalada Muqdisho, shirkaas oo looga hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka , gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo xilliga kala guurka.
War-murtiyeedka kasoo baxay mucaaradka, ayaa lagu cambaareeyay ku takrifalka awoodaha dowladda iyo musuqmaasuqa , eexda iyo boobka hantida dadweynaha iyo heshiisyada qarsoodiga ee kheyraadka dabiiciga uu dalku leeyahay.
Waxaa sidoo kale war-murtiyeedka walaac xooggan looga muujiyay muddo kororsiga sharcidarada ah ay sameesteen madaxda maamul goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo ku biirista madaxda xisbiga uu Madaxweynaha hoggaamiyo.
Halkaan Hoose ka Akhriso Warmurtiyeedka: