
Warar kala duwan ayaa laga helayaa dagaal dhexmaray Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ‘AS’ oo ka dhacay Deegaanka Xawaadley Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 3 ruux ayaa geeriyootay halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay, sida ay sheegeen ilo kala duwan.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo xooggan ka billaabay deegaannada dhaca duleedka Xawaadley si ay uga jawaabaan duullaanka uga yimid ‘AS’ sida ay sheegeen ila kala duwan oo nala hadlay.
Ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu faah-faahiyay dagaalkaan iyo howlgalka daba socday ee ka dhacay Deegaanka Xawaadley Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka HirShabeelle.