
Warar dheeraad ah aya ka soo baxaya Dab xoogan oo maalmahan si weyn u aafeeyey Los Angeles oo Dalka Mareykanka dhaca.
Dabkaan aya si dhaqsiya ah u fidiyaay iyadoo ay jiraan dabeeylo aad u xoogan oo guud ahan dalkaasi ka jira,kuwaasi oo dabka ugu sii daraya.
Saacado kahor xafiiska arrimaha caafimaadka ee Los Angeles ayaa soo saaray faahfaahin cusub oo la xiriira tirada dhimashada dabka ee ay baaritaanka ku hayaan.
Ilaa iyo haatan 11 qof ayaa dabka ugu geeriyootay Eaton, halka shan kalena ay ku geeriyoodeen Palisades fire, tanoo wadarta guud ka dhigeysa 16. Saraakiisha ayaa sheegay in tiradu ay intaa kasii kordhi karto.
Diyaaradaha biyaha ku buufinaya holaca dabka ayaa xalay isku dayayay inay xakameeyaan, iyadoo laga baqayo inay soo laabtaan dabeylaha xooggan ee dabka hurinaya.
Balaayiin Dolar aya ku burburtay Dabkaasi xoogan ee ku dhuftay Magaladaasi iayadoo ay aheyd magaaladii caanka Mareykanku ay daganaayeen.