Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala, oo ka hadlay diidmada mucaarad ee rabitaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in mucaaradka aysan diidi karin xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed oo tiradoodu ku sheegay 20 Milyan.
Al-Cadaala oo mucaaradka ugu yeeray muwaadiniin saddex ama afar, ayaa yiri in talo dhiibashada aan la dhaafsiin halkeeda, isaga oo kula dardaarmay in damaca iyo doonista mucaaradka lagu xakameeyo sharciga.
Hadalka Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Al-Cadaala oo bartiisa Facebook ku faafiyey ayaa u dhignaa sida tan, “Sadex ama afar ka mid ah muwaadiniintu ma diidikaraan xuquuqda 20-ka Milyan ee kale, Tabashada iyo talo dhiibashada yaan la dhaafinin halkeeda, damaca iyo doonistana hallagu xakameeyo sharciga oo yaan xuduudka la talaabin.”
Hadalkaan oo durba abuuray dood siyaasadeed ayaa qaar ka mid ah Shacabka siyaabo kala duwan uga wada dooday, taas oo dadka qaar ay ku sifeeyeen in uu jawaab u yahay hadalkii dhawaan ka soo yeeray mucaaradka dowladda.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hadda ah hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran oo warbaahinta kula hadlay xarunta xisbigiisa ayaa sheegay in dowladda haddii qabato doorasho aan heshiis lagu ahayn ay dhankooda qabsan doonaan doorasho u gaar ah.
Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ugu jirta sidii ay dalka ugu hirgalin lahayd doorasho dadweyne, taas oo diidan yihiin mucaaradka.
Todobaadkaan gudihiis ayaa la filaa in guddiga doorashooyinka Qaranka ay sheeciyaan jadwalka rasmiga ee doorashooyinka dalka kaas oo ku xusan yahay jaantuska doorashooyinka; golaha deegaanka, dowlad gobaleedyadaha iyo dowladda dhexe.