
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhiirrageliyay Beeraleyda Soomaaliyeed ee xooggooda geliyay soosaarka Bariiska si looga maarmo kan Dibadda laga keenno.
Maareeye ayaa sheegay in duruuf adag ay ku jirto Beeraleyda Soomaaliyeed iyaga oo ul ku tumaya halka dunida inteeda kale Bariiska ku guraan Mashiinno ama qalab casri ah oo la jaanqaadaya tiknoolajiyadda lagu kala hormaray.
Dalal badan oo uu maray ayuu sheegay in uu kusoo arkay isku filnaashiyo dhinaca cuntada ah isla markaanna ay cunaan waxsoosaarkooda gudaha, taasi waxa ay ku timid dedaalkooda iyo dhiirragelintooda bulshada ay kala kulmaan.
“Bariiska Dalka oo yaalla ma dhici doonto in mid kale oo dibadda laga keenay la cunno, Beeraleyda Soomaaliyeed waxa ay ku jafaan ul halka kuwa Dalalka kale ee Caalamka loo adeegsado mashiin, waa in aan u iibinaa 5 xabo oo qalabkaas ah aan hubo in aan iibin karno” Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Beeraha & Waraabka XFS.
Madasha ayaa lagu uruuriyay lacag dhan $180,000 oo doollar si loogu dhiirrageliyo Beeraleyda Soomaaliyeed ee soo saarta Bariiska ka baxa Degmada Jowhar Xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle si ay ugu soo iibsadaan mashiinnada ay u baahan yihiin.
Bariis Caddaha ama Dadka qaar sida ay u garanayaan Bariis Baarroow waxa uu kamid yahay waxsoosaarka ka baxa Degmada Jowhar, waxaa jirta rejo weyn oo kor u qaadeysa ka faa’iideysiga tacabkiisa iyada oo loo iibgeynayo suuqyada si Bulshadu u iibsato.