
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Gaadiid Alshabaab looga gubay duqeyn ka dhacday Gobolka Shabeelaha Dhexe kuwaas oo isugu jiray kuwa dagaalka iyo kuwa saanadda u qaada.
Cabdulqaadir ayaa intaas ku daray in Gaadiidka ay gubeen in uu gaarayo 17 isla markaana ka ambabixinayeen Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle si ay ugu gudbiyaan Jubada Dhexe oo Jubbaland ah.
Xogta weerarkaan ayuu tilmaamay in ay iska kaashadeen Ciidamada Federaalka, Macawiisleyda iyo Dad deegaanka ah, markii la xaqiijiyay kaddibna ay beegsadeen goobahaan ay joogeen Alshabaab kuna Gaarsiiyeen khasaara dhimasho, dhaawac iyo mid hanti.
Howlgallada ka socda Gobollada Dalka ayuu Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur hoosta ka xariiqay in ay sii soconayaan ilaa inta guusha ugu dambeysa laga gaarayo sida uu hadalka u dhigay.
“Ciidanka Xoogga Dalka, NISA, Booliiska & Dadka deegaanka waxa ay dagaal lagu xanuujiyay la galeen Khawaariijta, dhowr iyo toban oo Gaari oo qaarkood ku xiran qoryaha dagaalka, in ka badan 400 way ka dhimatay, jab weyn ayaa dhaqaalaha kasoo gaaray” Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac.