Wiil yar oo uu dhalay wasiiru-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa xil sare looga magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda, kadib wareegto uu soo saaray Wasiir Axmed Macallin Fiqi.
Wasiirka ayaa Cabdiraxmaan Abshir Bukhaari u magacaabay agaasimaha guud ee waaxda sharciyada iyo heshiisyada caalamiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, sida ku cad wareegtada kasoo baxay xafiiska Wasiir Fiqi.
“Waxaa dhammaan hay’adaha iyo xafiisyada ee warqaddani sida tooska ugu socoto iyo kuwa ogsiinta lehba lala socod-siinayaa in mudane Cabdirahman Abshir Mohamed loo magacaabay agaasimaha waaxda sharciyada iyo heshiisyada,” ayaa lagu yiri wareegtada.
Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Haddaba waxaa hay’adaha iyo xafiisyada sare ku xusan laga codsanayaa in aad u dhameystirtaan habraaca la xiriira wareegtadan gacana ku siisaan waajibaadkiisa shaqo”.
Wiilkan yar oo magacaabistiisu ka dhalatay hadal-heyn xooggan ayaa waxaa da’diisu tahay 22 jir, horayna ugama soo shaqeyn xafiis dowladeed, sida ay wararku sheegayaan.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya lagu eedeeyo inay ceyrisay diblomaasiyiin khibrad dheer u lahaa howlaha wasaaradda, kuna beddeshay shaqsiyaad aan waayo aragnimo badan laheyn.
Si kastaba, waxaa horay su’aallo badan looga keenay gabar uu dhalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu la-taliye ka dhigtay, halka madax kalena ay caruurtooda ka shaqaaleysiiyeen xafiisyada dowladda Soomaaliya, iyaga oo u xiray mashaariic gaar ah.