
Iyadoo ay uu jiro khilaaf u dhaxeeya DFS iyo maamulka Jubaland aya waxaa uu khilaafkaasi si weyn u saameeyay dadka rayidka ah ee ku dhaqan Jubaland.
Xiisada DFS iyo maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa waxaa ka dhashay in dowlada Federaalka ay xayiraad saarto duulimaadyada gobolada maamulka Jubland.
Xayiraadaasi ayaa saameyn weyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan gobolada ,aa,ulka Jubland kuwaasi oo wajahay baaxada culeeyskaasi.
Wararka ka imanaya Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in degmadaasi ay ku geeriyootay allaha u naxariistee Farxiyo Xuseen oo la sheegay in ku xanuunsaneysay Baardheere mudo todobaad ah.
Allaha u naxariistee Farxiya aya la sheegaya in 7 cisho ay xanuun daran la nooleed kadibna ay u geeriyootay xanuunkaasi.
Waxaa la shegay in marxuumada ay qaliin u bahatay kadib umusheeydii waxna looga qaban waayay baardheere,iyadoo intaasi ka dibna la sheegay in gaari lagu soo qaday ay dhex kula dhimatay.
Xildhibaan cabdiraxmaan cabdi shakuur warsame ayaa aad u canbaareeyay arintaasi isagoo sidoo kale eeda dhacdaaasi dusha ka saaray Masuuliyiinta Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Dhacdadaan ayaa imanaysa iyadoo dowlada federaalka ssoomaaliya iyo maamulka Jubaland ay is ku qilaafeen aririmo la xirira Doorashooyinka .