
Waxaa isbadalo waa weyn ay ka dhaceyn Dalka Suuriya kasoo maalmihii lasoo dhaafay ay ka jirtay Xiisad xoogan oo u dhaxeeysay Kooxo Mucaarad ah iyo xukuumada Asad ee dalkaasi muddada fog ka arimineeysay.
Bashaar Asad oo aha Madaxweynaha Dalkasi aya isaga baxay Dalka Suriya Xalay iyadoo uu ku baxsaday Dayuurad,waxana si rasmi ah loo ogeyn halka saxda ah ee uu aday ilaa iyo hadda,sida ay sheegtay Wakaala Reuters.
Waxaa sidoo kale Garoonka Dayuuradaha isaga baxsaday Ciidamada Daacada u aha Bashaar Asad,kadib markii uu dhoofay Madaxweyne Asad,kaasi oo ka baxsaday Dalkaasi.
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo xoogaga fallaagada ay sheegeen inay bilaabeen inay gudaha u galaan caasimadda Suuriya.
Mucaaradka ayaa lagu soo warramayaa in ay ka sii daayeen xabsiga caanka ah ee Saydnaya, oo ah xabsi ay Qaramada Midoobay mar ku tilmaantay “kawaan dadka lagu gowraco”, halkaasoo la sheegay in kumannaan taageerayaasha mucaaradka ah jirdil iyo dil loogu geystay.
Waxa ay qabsadeen dhul badan oo ku yaala waqooyi galbeed ee dalkaas, oo ay ku jirto inta badan magaalada labaad ee Xalab, kadib markii militariga Suuriya ay si degdeg ah uga baxeen.
Jabhaduhu waxay markaas u dhaqaaqeen dhanka koonfureed, iyagoo qabsaday magaalada Hama, waxaana ku xiga Homs.
Fallaagada maxalliga ah ee ku sugan koonfurta, una dhow xudduudda Urdun, ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay qabsadeen inta badan gobolka Deraa oo ah halkii uu ka dhashay kacdoonka looga soo horjeedo Madaxweyne Bashar al-Assad 2011.