
Heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, iyo sii deynta la haystayaasha, ayaa lagu guda jiraa dhameystirkiisa, sida uu sheegay mas’uul Falastiini ah oo xog-ogaal u ah wadahadallada, kaas oo la hadlay BBC.
Waxa ay ku soo beegmaysaa iyada oo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay in heshiisku uu “ku dhow yahay inuu hirgalo,” islamarkaana dowladdiisu ay si degdeg ah uga shaqeynayso arrintan.
Mas’uul Israa’iili ah ayaa sidoo kale u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in wadahadalladu marayaan “marxalad muhiim ah,” iyada oo heshiis la gaadhi karo saacadaha ama maalmaha soo aaddan. .
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Axaddii la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, iyo Isniintii Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, oo dhexdhexaadinaya wadahadalladan.
Mas’uul Falastiini ah ayaa u sheegay BBC in Xamaas iyo mas’uuliyiinta Israa’iil ay Isniintii wadahadallo dadban ky yeesheen dhismo isku mid ah.
Mas’uulku, oo faahfaahin ka bixiyay qodobo suurtagal ah oo heshiiska ku jira, ayaa sheegay in “wadahadallada farsamo ee faahfaahsan ay waqti dheer qaateen”.
Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in Xamaas ay sii deyso saddex maxbuus maalinta ugu horreysa ee heshiiska, kadibna Israa’iil ay bilaabi doonto inay ciidamadeeda kala baxdo goobaha ay dadka ku badan yihiin.
Toddoba maalmood kadib, Xamaas ayaa sii deyn doonta afar maxbuus oo dheeraad ah, halka Israa’iil ay u ogolaan doonto dadka barakacay inay dib ugu laabtaan waqooyiga, balse kaliya iyagoo lugeynaya jidka xeebta.
Gawaadhida, gaari-faraska, iyo kuwa xamuulka qaada ayaa loo ogolaan doonaa inay maraan marin ku dhow Jidka Salah al-Din, oo lagu xakameyn doono qalabka baaritaanka X-ray ah oo ay maamulayaan koox farsamo oo ka socota Qatar iyo Masar.
Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in ciidamada Israa’iil ay sii joogayaan marinka Philadelphi iyo in la ilaaliyo aag xadka bari iyo waqooyi ku yaalla oo cabbirkiisu yahay 800 mitir inta lagu jiro wejiga koowaad, kaas oo socon doona 42 maalmood.
Isra’iil ayaa sidoo kale ogolaatay inay sii deyso 1,000 maxbuus Falastiini ah, oo ay ku jiraan qiyaastii 190 qof oo xukunno ka badan 15 sano ku xukunnaa. Bedelkeeda, Xamaas ayaa sii deyn doonta 34 maxbuus.
Wadahadallada loogu gogol-xaadhayo wejigaa labaad iyo saddexaad ee heshiiska ayaa bilaaban doona maalinta 16-aad ee xabbad-joojinta.
Aabaha mid ka mid ah maxaabiista Mareykanka-Israa’iiliga ah ayaa u sheegay barnaamijka Newshour ee BBC inuu “rabo inuu aamino” in Israa’iil ay gaartay go’aanka “haa” ee heshiiska.
Jonathan Dekel-Chen wuxuu sheegay inuu “ku noolyahay cabsi joogto ah” sababta oo ah wuxuu ka walwalsan yahay wiilkiisa Sagui.
Iyadoo warbixinno isa soo taraya ay sheegayaan in heshiis uu soo dhow yahay, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, Jake Sullivan, ayaa sheegay in heshiis la gaari karo “todobaadkan” – toddobaadka ugu dambeeya ee xukunka Madaxweyne Biden.
Sullivan ayaa intaa ku daray in Biden uu qorsheynayay inuu la hadlo Madaxweynaha Masar, Cabdul Fattaax al-Sisi.
Sidoo kale, ergayga Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa ku sugnaa Dooxa.
Trump, oo horay u hanjabay in “dhib weyn” uu dhici doono haddii maxaabiista la sii dayn waayo ka hor inta uusan xilka la wareegin 20-ka Janaayo, ayaa ka soo muuqday arrimaha socda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Saar, ayaa warbaahinta u sheegay in horumar la sameeyay islamarkaana heshiiska uu “ka wanaagsan yahay kii horey loo soo jeediyay.”
Si kastaba, horumarkan cusub wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Netanyahu uu wajahayo mucaaradad xooggan oo kaga timaadda xubno ka tirsan xulafadiisa xukuumadda.
Toban xubnood oo midigta ah, oo ay ku jiraan qaar ka tirsan xisbigiisa Likud, ayaa u diray Netanyahu warqad ay kaga soo horjeedaan heshiis xabbad-joojin ah.
Intii lagu guda jiray wadahadallada, wakaalladda difaaca madaniga ah ee Qaza ayaa sheegtay in duqeymo cirka ah oo Israa’iil ay Isniintii ku qaaday magaalada Qaza ay dileen in ka badan 50 qof.
“Waxay duqeeyeen iskuullo, guryo, xataa goobaha dadka isugu yimaadaan,” ayuu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Mahmud Bassal, afhayeenka difaaca madaniga ah.
Militariga Israa’iil ayaa sheegay inay baarayaan warbixinnadaas. Dhanka kale, waxay xaqiijiyeen in shan askari lagu dilay waqooyiga Marinka Qaza Isniintii.
Dagaalka ayaa qarxay kadib weerarkii Xamaas ay ku qaaday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo lagu dilay qiyaastii 1,200 qof, iyadoo 251 qof oo kale la afduubtay oo loo qaaday Qaza.
Isra’iil waxay ku jawaabtay weerar militari oo ka dhan ah Xamaas si ay u burburiso ururka.
Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas-ka arrimaha Qaza maamusho ayaa sheegtay in in ka badan 46,500 qof lagu dilay dagaalka.
Isra’iil waxay sheegtay in 94 ka mid ah dadka la afduubtay weli ku sugan yihiin Qaza, kuwaas oo 34 ka mid ah loo maleynayo inay dhinteen, iyo sidoo kale afar Israa’iiliyiin ah oo la afduubay ka hor dagaalka, labo ka mid ahna ay dhinteen.