
Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa eedeyn u jeedisay Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka, iyada Axmed Ciise Guutaale ku Eedeysay Eedeyn la xiriirta in uu hor istaagay go’aanno ka soo baxay Maxkamadda.
Xafiiska Hantidhawrka guud ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray, isaga oo sheegay in Maxkamaduhu ay kamid yihiin hay’adaha dowladda ee Xafiiska Hantidhowrka Guud uu ku sameynayo Baarista u hoggaansanaanta Sharciga ee sanadlaha ah.
Xafiiska Hantidhawrka ayaa dhammaan Maxkamadahu ku eedeeyay, in ay ka jawaabi waayeen, sidoo kalane xaqiijin waayeen helidda Wargadaha billowga Baarista u hoggaansanaanta sharciga, sida ay uga soo jawaabeen hey’adaha kale, ee dowladda.