
Xukuumadda Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo la xiriira dhammeystirka Dastuurka, waxayna tilmaamtay inay sii wadeys qorshaheeda qof iyo cod.
Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin oo ka qayb-galay kulan dadweyne ayaa sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay in aanu qabyo sii ahaanin Dastuurka dalka ee la dhammeystarayo, inkastoo weli ay taagan tahay dood xooggan oo ay qabaan mucaaradka.
“Dastuurka inuu qabyo noqdo waan diidnay dhowr iyo 10 sano inuu socdo wax keeni karo ma jiro, aqli ma keeni karo sharci ma keeni iyo dowladnimo, marka dhammeystirka Dastuurku waa inuu ballan noo wada noqdo” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin Maxamuud.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Xukuumaddan maalinkii ay timid illaa maanta hadal kaliya ma ahayn waxay u howlgashay si ficil ah & ka go’naasho Dastuurka inay dhammeystirto”.
Dhinaca, kale waxa uu farriin u diray xubnaha mucaaradka, isaga oo ugu baaqay inay soo dhex-galaan dadweynaha, ayna iska daayaan inay tegaan saldhigyada iyo goobaha ay joogaan ciidanka.