
Wararka inaga soo gaaraya Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo ayaa sheegaaya in uu socda dhaqdhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda waxaana wada ciidamada Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas sida ay sheegeen ila kala duwan.
Sida goob joogayaal ay inoo sheegeen Israsaaseyn kooban oo ka dhacday Degmada Dooloow ayaa xaaladda sii adkeysay, waxaana durba dadka halkaas ku sugan ay billaabeen in ay dhegaha la raacaan dhiilada ka dhex jirta Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in diyaarad waday Xildhibaanno, Odoyaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan maadaama Dowlad-Goboleedka Jubbaland qorsheyneyso in ay halkaas ku qabato shir looga hadlayo Mustaqbalka Gobolka Gedo.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kala wada dhaqdhaqaaq & abaabul iska soo horjeeda.