
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib uu waayay xubinnimada Golahaas.
Dr Abiib ayaa lagu eedeeyay in uusan soo xaadirin Labo Kalfadhi sidaas awgeed lagu qaaday xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo dhigaya in muddadaas haddii bilaa cudur daar uu maqnaado uu xilkaas weynayo loona baahan yahay in dib loosoo doorto qofkii buuxin lahaa.
Abiib oo deegaan doorashadiisu tahay Gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa xilkaan ku guuleystay 25ka Janaayo sanadkii 2022kii, waxaa kursigaan horay ugu fadhiyay Wasiirkii hore Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.