Iyadoo dhawaan uu buuq ka dhacay xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya uu ka dhashay dagaal iyo buuq u dhaxeeyay xubnaha Baarlamaanka Soomaliya uu sababay in Mudane ka tirsan aqalka Hoose ee baarlamaanka uu u gacan qaado Askari ka mid ah ilaalada Golaha.
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo loo yaqaano Xasan Firinbi ayaa raalligelin ka bixiyay gacan qaad uu ku sameeyay askari katirsan Booliiska ilaaliya xarunta Villa Hargeysa oo si kumeel-gaar ah ugu shiro Baarlamaanka 11aad JFS 27kii Bishaan 2024.
Feerka ayaa yimid kaddib markii Xildhibaanno uu kamid ahaa Xasan Cabdi Ismaaciil ay isku dayeen in ay is hor istaagaan guddiga loo xilsaaray Doorashooyinka iyo Soohdimaha oo ugu dambayn la ansixiyay.
Askariga oo isku dayay in uu dhexdhexaadiyo Xildhibaanno murankooda fogaado ayaa ugu dambeyn Xildhibaan Xasan Cabdi waxa uu askarigaas ku dhuftay Feer dhaawac gaarsiiyay, waxaa la geeyay mid kamid ah Goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.
“Waan raalli galinayaa Askariga aan feerka ku dhuftay” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Xasan Cabdi Cabdi oo katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiin katirsan Labada Gole ee Baarlamaanka, Taliska Booliiska oo uu katirsan yahay Askarigaan iyo xubno kale ayaa ku booqday goobta Caafimaad ee loo geeyay askarigaas in looga daweeyo dhaawaca uu u geystay Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil.
Raali galinta mudanahan aya imaaday iyadoo uu si weyn u baahay muuqaalka Xildhibaanka oo wajiga ka feeraya Askariga xili uu san sameynin fal celin,taasi oo si weyn uu ugu heley bulshada ficilka Askariga,Halka uu Xildhibaanka uu Ceyb iyo fadeexo wajahay.