
Iyadoo dowlada federaalka soomaaliya ay sheegtay in dalka ay ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah ayaa waxaa socda kulamo ay yeelanayaan xisbiyada dalka si ay diyaar garoow ugu sameeyan doorashada.
Warar Daashsomalitv uu helay aya shegaya in khilaaf xoogan uusoo kala dhex galay xubnaha Xisbiga UPD ee uu hogaamiyo madaxweyne XasanSheekh.
Khilaafkan aya salka ku haayo cida noqoneysa Musharaxa xisbiga ee gobolka banadir iyo musharaxa madaxweyne ee xisbiga.
Doodo dheer ka dib waxay xubno ku dhawdhaw UPD inoo sheegeen in la isku raacay in Cabdiraxmaan Odawaa uu noqdo Musharaxa xisbiga ee Gudoomiyaha gobolka Banaadir.Iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu shaki ka muujiyey suurtagalnimada inuu noqon karo Mr Odawaa murashaxa xisbiga ee Gobolka Banaadir.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa hada ah Xoghayaha xisbiga UPD waxaana doodahan ka dhex jira Xisbiga UPD ay imaaneysaa iyadoo todobaadkaan sii dhamanaya uu Xisbiga UPD kulamo isugu imaaden Xubnaha xisbigaasi iyo taagerayashooda.