
Daash Soomaali Tv warar uu helaayo ayaa sheegaya in u jiro guux xoogan oo sheegaya in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay qorsheeyneyso in ay Golaha wasiirada Soomaaliya lagu soo daro Mahad Maxamed Salaad.
Mahad aya horay usoo noqday Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya 2dii sano ee u horeeysay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,iayadoo lagu badalay Cabdullaahi Sanbaloolshe.
Wararka ayaa sheegaya in mahad Salaad lagu wado in uu noqdo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Kadib codsi ka yimid Taliyaha Xooga Dalka Odowaa Yuusuf Raage.
Odawaa ayaa la sheegay in uu diiday in uu la shaqeeyo wasiirka Jaamac ka gadaal markii uu soo kala dhex gaaay Khilaaf xoogan Biloowgii Dagaalka Ashabaab ee curtay bilowguii Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wasiir Jaamac aya sidoo kale la qorsheeynaya in laga dhigo Wasiirka Batroolka Soomaaliya,kaasi oo uu hada ku fadhiyo Wasiir Cabdi risaaq oo aay aad isugu dhaw yihiin Madaxweynaha Soomaaliya.
Magacaabidaan ayaa lagu wada in Saacadaha Soo socdo lagu dhawaaqo,maadama la xaliyay Qilaaf uu jiray oo u dhaxeeyay Madaxweeynaha Soomaaliya.