
Faah faahino ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysna oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada caalamka oo ka dhacay 20-kii bishaan deegaanka Nooleye ee gobolka Galguduud.
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa tilmaamtay in howlgalka lagu dilay ilaa afar xubnood oo ka mid ahaa Al-shabaab ee ku sugna deegaanka Nooleye ee gobolka Galgaduud.
“Ugu yaraan 4 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab lagu dilay howlgalka. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Deegaanno kaa tirsaan Gobolka Galgaaduud waxaa ku sugaan Al-shabaab, waxaana halkaasi inta badan ka dhaca howlgalada ka dhan ah Kooxdaas .