
Duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamka, ayaa lagu qarxiyay labo gaari oo nuuca dagaalka ah oo ay wateen kooxda Al Shabaab, kuwaa oo xilliga la duqeenayay marayay deegaanka Mubaax ee katirsan gobolka Hiiraan.
Warbaahinta DFS , ayaa baahiyay in duqeyntan dhinaca cirka ah lala eegtay gaadiidkan dagaalka ay wateen Al Shabaab, waxa ayna sheegeen in la hayay xogta gaadiidkan dagaal iyo xubnaha Al Shabaab ee la socday.
Warka lagu baahiyay telefishinka dowladda, ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu bur buriyay gaadiidka dagaalka ee kooxda Al Shabaab lagu dilay 18 xubnood oo katirsanaa kooxdaasi, sidoo kale la burburiyay gaadiidkii iyo hubkii ay wateen.
Milatariga Soomaaliya iyo sirdoonka Qaranka oo garab ka helaya saaxiibada beesha caalamka, ayaa kordhiyay maalmihii lasoo dhaafay duqeymaha dhinaca cirka ah ee lala beegsanayo fariisimaha kooxda Al Shabaab ee kuyaalla deegaanno iyo degmooyin katirsan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ayaa lagu yiri warkan ay baahisay warbaahinta Dawlada .