
Cabdinaasir Maxamed Xasan oo ku eedeysan in uu khawaarijta u sameyn jiray gaadiidka ay qaraxyada u isaggoo gawaarida cusubna ka tiri jiray sumadaha aqoonsiga Chassis Number, si tixraac aysan ugu sameyn Hay’addaha ammaanka, tan iyo sanadkii 2018 ayuuna howlahaan u hayey aragixisada, Waxaana ku dhacay xukun Cimrigaa ha ku furto Xabsi Daa’in.
Maadeey Cabdi Xuseen ayaa xiriirka argagixisada ka helay eedeysanaha 1aad Cabdinaasir, Safar qaatay maalin iyo habeen ayuu ku tagay Kuunya Barrow, Muddo bil ah oo ay halkaasi joogeen kadib waxay kusoo laabteen Ceelasha Biyaha, iasaga oo soo cilad bixiyaay Sadax Gaari kana wata $400 dollar oo khawaarijtu ay kusoo sagootisay, 50 dollar ayuuna ka siiyey Ciise Maadeey Cabdi Xuseen oo uu adeer u ahaa.
Maadeey ayaa lagu xukumay Labo sano, Halka Ciise na lagu xukumay Hal Sano oo Xabsi Argaagaxiso ah.
Halka Cabdiqaadir Cali Faarax Tabliiq isna lagu eedeyay in uu ka iibsan rabay argagixisada gaari isaga uu lahaa, balse isaggoo aan gadan ayey kawar heleen ciidanka amniga, sidaasna lagu qabtay, Maxkamadda ayaana sii daysay, kadib markii lagu waayey eedii loo heystay.