
Xulka Qaranka Soomaaliya ee Da’doodu ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta u baxay Safar ay kaga qeeyb galayaan Tartanka AFCON U17 qeybta CECAFA.
Difaacdayaasha Tartanka isreeb-reebka koobka AFCON U17, gaar ahaan qeybta CECAFA ayaa maanta u safray dalka Uganda,si ay u difaacdaan koobkii ay keeneen Muqdisho 2sano ka hor.
Soomaalida xasuus weyn ayey tartankaan weyn ka heestaan maadaama 2022 ay ku guuleysteen wiilashooda, mar kale ayeyse doonayaan iney ku guuleystaan Tartanaan.
Tartanka wuxuu bilaaban doonaa 14-ka December isagoo socon doona ilaa 27-ka December , waxaana ka qeyb galaya Xulal gaaraaya ilaa 6 wadan.
Sanadkaan waxaa ciyaartoyda qaar laga soo xulay qurbaha si loo xoojiyo Xulka oo dhiig cusub loogu soo daro iyadoo la isla qaatay cayaartooyda mudan in lagu kordhiyo Xulka Qaranka ee 17jirada ka yar.
Labada wadan ee final-ka yimaada tartankaan ayaa ka qeybgali doona koobka Qaramada Afrika ee 17-jirada ka yar, kana dhici doona Ivoary Coast 2025.