
Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar dabageed ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ uu sii soconayo ilaa inta laga saarayo deegaannada ay ka joogaan Dowlad-Goboleedkaas.
Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in marka ay dagaalamaan Dalalka deriska ah ama Beelaha Walaalaha la raadiyo wadahadal balse dagaalka ‘AS’ uu yahay mid awood ku soo dhammanaya lagana saarayo Dalka sida uu hadalka u dhigay.
Dabageed ayaa ciidamada Federaalka iyo kuwa deegaanka ee iskaashanaya looga baahan yahay is maqan & u hoggaansamid Madaxda hoggaanka u ah howlgallada socda, haddii la is khilaafo ayuu shaaciyay in laga dhaxlayo guuldarro iyo kala qaybsanaan.
“Dagaalka Kasta oo dhaca waxa uu ku dhammaadaa wadahadal balse kan Shabaab waxa uu ku dhammaanaa xabbad, Nimankii bac guduudan oo biyo ku jiraan idiin diiday ma idiin ogolaanayaa ceelashaas idiin qodan, labo qof oo dambe iskuma dili karto waxa aad isku heysaan, walax dambe oo aan ‘AS’ in aan xabbad ku ridno ma rabno” Yuusuf Axmed Hagar dabageed, MW Ku xigeenka DG Hir-Shabeelle.
Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka socda howlgallo xooggan oo ka dhan ah ‘AS’ halka dhinaca kale lagu howlan yahay abaabulka diyaarinta ciidamo dheeraad ah oo xoojiya kuwa haatan howlgalkaas ku howlan.