
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Agaasimihii hore NISA aya si cajiib ah kaga hadlay Xiisad u dhaxeeysa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland kaasi oo ka dhashay Doorashaadii Dhacday 25kii bishii hore.
Fahad aya ka hadlay qaladaadka Dowlada,Saraakiisha ciidanka,Maamulka Jubaland iyo dhamaan dhinacyada ay saameysay Xiisada Jubaland,sidoo kale Kenya ayuu sheegay in hada wax badan iska badaleen ka dib weerarkii raaskambooni fikrada ay ka heysatay Dowlada Federaalka.
ππ ππππ ππ ππππ ππ ππππππππππππ:
πππππππ: In qof masuul ahi uu af buuxa ugu faano inuu galay danbiyada qaranka laga galo mid kamid ah, oo ah in Ciidanka Qaranka xabad lagu rido, misana lagu dhiirado in iyagoo maxaabiis ah sawir laga qaado. Waa mahadho taariikhda ku hari doonta.
ππππππ: In Ciidankii Xoogga Dalka uu dal shisheeye iska dhiibay oo uu jab intaas leβeg ku dhacay, misana Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha aysan qaadin tallaabo isla xisaabtan ah, oo ay ula fal galeen sidii dhacdo caadi ah. Waa mahadho taariikhda ku hari doonta.
πππππππππ: Askartii la geeyey Raaskanbooni waxaa isugu darsamay dayac nololeed, saanad yaraan iyo caqiido hoosayn. Qaarkood waxay is waydiinayeen talow labada dhinac keebaa xaq ah, oo aan u dhimannaa. Heerkaas yaa ciidanka gaarsiiyey? Waa mahadho taariikhda ku hari doonta.
ππ ππππ: Madaxweynaha Kenya William Ruto wuxuu door bidayaa la macaamilka Dowladda Federaalka isagoo wax ka baddalay dhaqankii Uhuru Kenyatta. Hase yeeshee, dhacdada Raaskambooni baa is baddal weyn ku keeni karta isagoo ka eegaya dhanka amniga xuduudaha. Waa mahadho kale oo taariikhda ku hari doonta.